DHAGEYSO:Waaxda dambi baarista oo war ka soo saartay askari dilay 6 qof

0
661

Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa bayaan ku sheegtay in la xaqiijiyay dhimashada 6 qof halka labo kale ay soo gaareen dhaawacyo culus oo ay hadda xaaladooda caafimaad liidato ka dib rasaas uu ku furay sarkaal boolis ah.
Falkan ayaa abaare 3-dii aroornimo ee maanta laga soo tabiyay deegaanka Kabete ee ismaamulka Nairobi.
DCI-da ayaa magaca askariga dilalkan gaystay ka hor inta uunan naftiisa khaarijin ku sheegtay Benson Imbasi.
Qoraalka waxaa qayb ka ah in ugu horreyn luqunta rasaas kaga dhuftay xaaskiisa isagoo ka dib markii uu guriga ka soo baxay dad shacab ah si aan kala sooc lahayn u rasaaseeyay.
Askariga ayaa adeegsaday nooca qoriga ee loo yaqaano AK-47 waxayna shanta qof ee kale ee uu dilay isugu jiraan dhallinyaro iyo mid ka mid ah wadeyaasha mootada.
Taliyaha saldhigga booliska ee deegaanka Dagoretti ee ismaamulka Nairobi Francis Wahome ayaa xaqiijiyay dhaacdadaan.
Wadeyaasha mootooyinka ayaa maanta dhigay dibadbax ay kaga soo horjeedaan falka lagu dilay mid ka mid ah.
Waxay xireen waddada xiriirisa ismaamullada Nairobi iyo Nakuru iyagoo caddaalad dalbanaya tani oo ciriiri ku keentay isku socodka gaadiidka waddadaasi isticmaalo.
Mid ka mid ah ehellada wadaha mootada ee uu askariga dilay ayaa dareenkeeda warbaahinta la wadaagtay