Dowladda dhexe ee dalka ayaa qortay in ka badan 300 oo booliska kaydka ah si loo soo celiyo xasiloonida ismaamulka Samburu.
Ciidamadan ayaa kaalin ka qaadan doono cirib tirka burcadda dhaca xoolaha ka gaysata deegaannada hoos taga Samburu.
Dhaca xoolaha gaar ahaan lo’da ayaa inta badan laga soo tabiyaa inta u dhaxeysa ismaamullada Samburu iyo Isiolo.
Waxaa ay ciidamadan la diiwaangeliyay garab siin doonaan laamaha ammaanka ee dowlad deegaanka Samburu.
Sidoo kale waxaa haataan qaarkood u billowday tababar arrinkan ku saabsan, iyadoona marka uu u dhammaado la geyn doono goobaha ay burcadda xoolaha ka dhacaan.
Saraakiisha ayaa waxaa qayb ka ah dhammaan qowmiyadaha ku nool dowlad deegaanka Samburu.
Guddoomiyaha dowladda dhexe ku matala ismaamulka Samburu Cabdirisaaq Jaldesa ayaa arrinkan faahfaahin dheeraad ka siiyay warbaahinta.
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Dowladda oo shaqaaleysiisay in ka badan 300 oo booliska kaydka ee ismaamulka...