Meydadka carruur wada dhashay oo duleedka Muqdisho laga helay

0
297

Meydadka laba carruur ah oo muddo saacado ah la la’a, kuwaas oo kala ahaa wiil iyo gabar wada dhashay ayaa saaka laga helay xaafadda jaamacadda Shabeelle oo ka tirsan deegaanka Garasbaaleey una dhow xarunta jaamacadda Samsam ee duleedka Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.
Labada Carruur oo da’doodu kala tahay 7 jir iyo 8 jir ayaa waxaa ku yaallay dhaawacyo kala duwan, waxaana goobjoogayaal sheegeen in mid xarig lagu sirqiyay halka midka kale ilkaha ay ka daadsanaayeen sidoo kalena dhaawacyo badan jirkooda lagu arkay.
Qaar kamid ah Ehellada Hooyada dhashay Carruurta ayaa waxay Warbaahinta gudaha Soomaaliya u sheegeen in Carruurta adeeg looga diray Suuqa balse saacado badan ay maqnaayeen ka dib saaka, iyagoo si xun loo dilay laga helay meydkooda meel u dhow Gurigooda.
Sidoo kale waxaay sheegeen in dhacdadaan Carruurta lagu dilay ay aad uga argagaxeen, islamarkaana lagu tuhmayo inuu ka dambeeyay Adeerkood qaba Hooyadood.
Wararka laga helay laamaha Amniga ee Soomaaliya ayaa waxay sheegayaan in Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ay tageen goobta ay wax ka dhaceen, islamarkaana ay xireen Ninka lagu tuhmayo inuu ka dambeeyo dilka labada Carruurta ah, balse aan weli la faahfaahin sababta ku kaliftay inuu Carruurtaasi dilo.
Dhacdooyinka dilalka ee layaabka leh ayaa kusoo batay dalka Soomaaliya bilihii la soo dhaafay, waxaana toddobaadkii hore ay ahayd markii Haweeneey 12 carruur ah dhashay uu Ninkeeda ku dilay Xaafad ka tirsan degmada Xamar Jajab ee magaalada Muqudisho.