Wararka ka imaanaya xeerada qaxootiga ee Dhagaxleey ee deegaanka Dadaab ayaa sheegaya in maanta galinkii danbe dhac loo gaystay shirkadda xawilaadda ee Dahabshiil xafiiskeeda Dhagaxleey.
Kooxa hubaysan oo aan heeybtooda la aqoonsan ayaa dhaca fuliyay waxayna wararku shegayaan in koox hubaysan ay gudaha u galeen xarunta shirkadda oo xilligaas ay ka socotay shaqo ayna jogeen qaar ka mid ah shaqaalaha shirkadda waxayna rideen rasaas xooggan .
Xafiiska shirkadda Dahabshiil ee dhaca loo geeystay ayaa ku yaalla bartamaha suuqa xerada Dhagaxleey wuxuuna ka soo horjeedaa isbitaalka wayn ee xeradas.
Goobta ayaa ah meel aad mashquul u ah falkan ayaana dhacay saacaddu markay ahayd 3 :15 ee galabta.
Suuqleyda xerada Dhagaxleey ayaa ku baraarugay rasaas aad u xooggan oo ay ridayeen kooxda dhaca gaysatay .
Ciidamada ammaanka ee xerada Dhagaxleey oo goobta gaaray ayaa warbahinta star dhacdadan u xaqijiyay waxayna shegeen inay ku daba jiraan kooxdii falkan ka dambeysay oo ay ku tilmaameen burcad aan wali la aqoonsan.
Laamaha ammaanka ayaa sheegay inay wadaan baritaano ku addan dhacdadan waxayna intaas ku dareen in kooxda dhaca fulisay ay wateen baabuur aan taargadiisa la aqoonsan oo markay falkaasi sameeyeen ka dib ay ku baxsadeen.
Wararka qaar ayaa sheegaya in kooxda dhaca gaysatay ay qaateen lacag dhan 500 oo kun oo ah shilinka dalka oo u dhiganta 5000 oo doolar.
Dhanka kale howlwadeena shirkadda Dahabshiil ee xerada Dhagaxleey oo ay la xiriirtay Star FM qaybteeda Dadaab ayaa ka gaabsaday inay warbaahinta la hadlaan.
Dhacdadan ayaa naxdin iyo hanfariir ku noqotay ganacsatada xeryaha qaxootiga gaar ahaan xerada Dhagaxleey waana arrin cusub .
Waxaa xusid mudan in goobta uu falka ka dhacay inay aad ugu dhowdahay saldhigga booliska ee xerada Dhagaxleey.
Markii uu falkan dhacay ayaa waxaa galabta la xiray suuqa xerada dadkuna waxay noqdeen kuwa aad u hadal haya dhacdadan oo ah midii ugu horreysay oo noceeda ah 5-tii sano ee ugu danbaysay xilli malin ah ka dhacda bartamaha suuqa ganacsiga ee xerada qaxootiga ee Dhagaxleey.
Xaaladda xerada qaxootiga ee Dhagaxleey ayaa deggan laamaha ammaanka ayaana hadda wada baritaano ku addan falka dhaca ah ee lagu bartilmaameedsaday shirkadda Dahabshiil xafiiskeeda Dhagaxleey.
Wixii ku soo kordho dib ayaad kala socon doontaan.