DHAGEYSO:Warbaahinta Star oo waqafka Al-Fataax ee Wajeer u uruurisay in ka badan 10 milyan

0
474

Guddoomiyaha guddiga madarasada Al-Fataax ee ismaamulka Wajeer Dr. Ibraahim Faarax ayaa sheegay in barnaamijyo lacag uruurin ah oo ay in muddo ah waday warbaahinta Star inay ka soo gaartay in ka badan 10 milyan oo shilin.
Waxaa uu u mahadceliyay dhageystayaasha idaacadda , daawadayaasha telefishinka iyo maamulka warbaahinta ee ka qayb qaatay taageeridda waqafka Al-Fataax oo barnaamijkii tooska ahaa ee aan ku garab istaagaynay uu maanta ku ekaa.