DHAGEYSO:Tirada dadka ku dhintay shilkii shalay ee Mwingi oo korortay

0
459

Waxaa sare u sii kacday tirada dadka ku dhintay baskii shalay ku dhacay webiga Enziu ee ismaamulka Kitui.
Dhimashada ayaa hadda maraysa 25 ka dib markii maanta la soo saaray labo meyd oo dheeraad oo midkood uu yahay canug dhallan sagaal bilood.
Waxaa weli socdo howlaha samata bixinta iyadoo laga cabsi qabo in 20 ama 30 meyd ay weli biyaha ku jiraan.
Tani ayaa loo aaneynayaa in baska uu siday ugu yaraan 60 qof oo rakaab ah.
Dhanka kale Madaxweynaha dalkani Kenya Mr. Uhuru Kenyatta ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehellada ay ka baxeen dadkii saarnaa baskii shalay biyaha ku qalibmay.
Hoggaamiyaha dalka ayaa sidoo kale caafimaad degdeg ah u rajeeyay dadkii ku dhaawacmay shilkaas nasiib darrada ahaa.
Mr. Kenyatta ayaa dhanka kale xasuusiyay dhammaan dadweynaha inay u hoggaansamaan talooyinka dowladda ee ah in shacabka ay ka taxaddaraan webiyada buux dhaafa xilliyada roobabka marka goobahaasi ay ka ag dhow yihiin ama adeegsanayaan.
Bayaan ka soo baxay aqalka madaxtooyada dalka looga arrimiyo ee State House ayaa lagu sheegay in macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan dhacdada nasiib darrada ah iyo tillaabooyinka ay dowladdu qaadayso si ay uga hortagto khaladaad midkan la mid ah dib laga soo sheegi doono.
12 qof oo kale ayaa la soo badbaadiyay, iyagoo la dhigay isbitaalka heerka 4-aad ee Mwingi si xaaladooda caafimaad loola tacaalo.
Baska ayaa doonayay in uu ka gudbo webiga, balse waxa ka awood batay biyaha, waxa uuna la jiiray dadkii rakaabka ee saarnaa.
Waxaa la sheegay in baska uu leeyahay dugsiga hoose dhexe ee St. Joseph ee deegaanka Mwingi, uu ka soo ambabaxay magaaladaasi kuna sii jeeday goob kaniisad oo qorshuhu ahaa inay ka qabsoonto xaflad aroos ah.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in darawalka baska uu wajahayay cadaadis maadaama ay rakaabka doonayeen inay xilli hore tagaan xafladda arooska.
Waxaa dadka shilka ku geeriyooday u badnaa dad isku qoys ah.
Waxaa sidoo kale dhacdadan ka tacsiyeeyay madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto, barasaabka ismaamulka Kitui Charity Ngilu dhigeeda Machakos Alfred Mutua iyo mas’uuliyiin kale.
Waxaa maalinkii labaad socda howlaha samatabixinta oo ay ka qayb qaadanayaan saraakiisha difaaca dalka iyo howlwadeenada laanqayrta cas laanteeda Kenya.
Labo ka mid ah dadka ka qayb qaadanaya howshan ayaa dhawaan dareenkooda warbaahinta la wadaagay.