Saynisyahaanka sare ee WHO oo ka hadashay Omicron

0
373

Soumya Swaminathan oo ah saynisyahaanka sare ee hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sheegtay inaan loo baahneyn in dadka ay muujiyaan khalkhal ku aaddan faraca cusub ee COVID19 ee Omicron.
Hasa ahaate waxay xustay in marka la fiiriyo halista noocan uu leeyahay ay sarreysa suurtagalnimada isqaadsiinta.
Waxay intaasi ku dartay inay xilli hore tahay in la dhaho tallaallada COVID19 waa in la sii horumariyo si loola dagaallamo faracan.
Swaminathan ayaa sheegtay in falcelinta saxda ah ee la xiriirta Omicron ay tahay in la qaado iyadoo taxaddar la muujinaya.
Haweeneydan waxay hoosta ka xarriiqday in dunida ay u diyaarsan tahay la tacaalidda Omicron marka la eego sida tallaalka loo soo saarayay tan iyo markii corona uu dillaacay.