Somaliland oo joojisay mashaariicda hay’adaha UN-ka ka fuliyaan degaannadeeda

0
542

Somaliland ayaa shaacisay in ay iska joojisay mashaariic hay’adaha jimciyadda qurumaha ka dhexeysa ay bixiyaan oo ay sheegtay in ay wax u dhimayaan gooni isku taagooda iyo madax bannaanidooda.
Wasiirka warfaafinta Somaliland Saleebaan Cali Koore, ayaa sheegay in iyadoo Somaliland ay ka duulaysa madax bannaanideeda in ay hakisay dhammaan wixii mashaariic ahaa ee UN-tu ka qabanaysay deegaanadeeda.
Wasiir Saleebaan ayaa tilmaamay in mashaariicdan ay dareemeen in ay meel ka dhac ku yihiin masiirkooda gooni isku taagga.
Wasiirku ma uunan sheegin nooca ay yihiin mashaariicda la joojiyay iyo sida ay dhaawac ugu yihiin madax bannaanida Somaliland balse wuxuu carabaabay in ay jiraan mashaariic la siyaasadeeyay.