Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa sheegtay in laga billaabo 21-ka bishan Diseembar cid kasta oo wadanka soo galaysa looga baahan yahay inay soo bandhigto caddeyn ah in laga tallaalay cudurka COVID19.
Wasiirka wasaaradda caafimaadka Mr. Mutahi Kagwe ayaa sheegay in amarkan uu qabanaya shakhsiyaadka ay da’doodu ka wayn tahay 18 sano.
Kagwe ayaa xusay in arrintan sidoo kale ay saameyn doonto dadka Kenya ka safraya.
Wasiirka ayaa xusay in dowladda ay xoojisay taxaddarka gaar ahaan meelaha dalka laga soo galo.
Tallaabadan ayaa looga gol-leeyahay in laga hor tago in faraca cusub ee Omicron uu wadanka u soo gudbo.
Dhanka kale wasaaradda caafimaadka ee dalkani Kenya ayaa maanta shaacisay in 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay ay diiwaangelisay xaaladaha cusub ee cudurka COVID19 oo gaaraya 95.
Tani ayaa timid ka dib markii cudur sidaha corona laga baaray dheecaan dhan 4,799.
Kiisaska cusub waxay isugu jiraan 88 kenyaan iyo 7 ajaaniib ah.
Dhanka jinsiyadda waxay isugu jiraan 54 rag iyo 41 dumar ah oo uu ugu yar yahay hal sano jir halka qofka ugu wayn ay da’diisu tahay 94 sano.
Tirada guud ee kiisaska corona ee Kenya ayaa hadda ah 255,355.
22 bukaan oo dheeraad ah ayaa xanuunka ka caafimaaday waxayna bogsashada guud hadda maraysa 248,398.
Wax dhimasho oo dheeraad ah lama diiwaangelin waxayna tirada guud ee dadka ilaa iyo hadda dalka ugu dhimatay COVID19 weli tahay 5,335.
Waxaa hadda cudurka qabo oo isbitaallada ku jiro 170 bukaan iyadoo 815 kale lagu daryeelaya guriyaha.
Qaybaha daryeelka degdegga ee loo yaqaano ICU-da waxaa ku jira 4 bukaan.
Wasaaradda caafimaadka ee Kenya ayaa tirada dawooyinka tallaalka ee ay ilaa iyo hadda adeegsatay ku sheegtay 7,417,276 .