DHAGEYSO:Mid ka mid ah culimada Garissa oo soo jeediyay in dadka miyiga looga gargaaro abaarta

0
296

Sheekh Xuseen Cabdullahi oo ka mid ah culimada magaalada Garissa ayaa maanta xilli uu khudbadda Jimcada jeedinayay ku taliyay in loo gurmado dadka ku nool miyiga ee wajahaya saameynta adag ee ka dhalatay abaarta in kastoo meelaha qaar ay ka da’een roobab.
Sheekha oo ah imaamka masjidka wayn ee Ibnul Qayyim ee magaalada Garissa ayaa xusay in xoolo dhaqatada ay abaarta ku waayeen in badan oo ka mid ah xoolihii ay nolol ahaan ku tiirsanayeen sidaas awgeedna loo baahan yahay in la caawiyo.