Keshav iyo Anjali Kumar, oo ah laba walaalo ah oo da ‘yar oo ka soo jeeda gobolka Jharkhand ee dalka India ayaa la ildaran laba xaaladood oo naadir ah oo loo yaqaan Cutis Laxa iyo Progeria, kuwaas oo u muuqda kuwo aad uga weyn da’dooda.
Wiilka iyo gabadha walaalaha ah ayaa markii hore qabsaday cinwaannada wararka 2016-kii looguna yeeri jiray ” walaalaha Benjamin Button “. Anjali waxay ahayd 7 jir wakhtigaas, walaalkeed ka yarna wuxuu jiray 18-bilood oo keliya, laakiin labadooduba waxay u ekaayeen kuwo duq ah.
Ma aha oo kaliya maqaarkooda oo duqoobay oo laalaabtay, laakiin labadooduba waxay la ildaran yihiin xanuunada ku dhaca dadka waayeelka ah.
Keshav iyo Anjali Kumar ayaa laga helay progeria iyo cutis laxa, laba xaaladood oo dhif ah oo aan caadi ahayn, nasiib daro, aan laga bogsan karin.
Keshav iyo Anjali oo ku dhashay Ranchi, oo ah caasimadda gobolka Jharkhand ee Hindiya, waxa ay la tacaaleen maahan xanuunkan oo kaliya balse waxa ay la kulmeen cagajuglaynta iyo jees-jeeska carruurta kale ee ugu yeedha naaneysyada foosha xun oo sido kale ku qosola muuqaalkooda.
Nasiib darro, waxaa jira kaliya wax badan oo ay waalidkood iyo walaashooda ka weyn ku caawin karaan.
“Carruurta iskuulka dhigta waxay iigu yeeraan magacyo ay ka mid yihiin daadi amma (ayeeyo), budhiya (haweeneyda weyn), bandariya (daayeer), ama hanuman (daayeer Hinduuga ah) wayna iga cadhaysiisay,” ayay tidhi Anjali oo la wareeystay.
Sannadkii 2016-kii, waxaa la sheegay in waalidiinta walaalahan, Shatrughan Rajak iyo Rinki Devi, ay rabeen inay wax badan u qabtaan carruurtooda, laakiin dhakhaatiirtu waxay u sheegeen in aysan jirin hab lagu caawiyo Hindiya, iyo xitaa dibadda balse waxa loo qaban karo tahay in xanuunka laga yareeyo.
Nasiib wanaag, arrimuha Keshav iyo Anjali si wanaagsan ayay isu beddeleen tan iyo markii sheekadooda markii ugu horreysay ay baahisay warbaahinta, ku dhawaad lix sano ka hor. Ka dib markii sawirada wejigooda ay ku wareegeen khadka internetka, NGO lagu magacaabo Care Today Fund ayaa la xiriiray waalidiinta walaalaha oo u fidiyay gargaar caafimaad.
Anjali iyo Keshav ayaa tan iyo markaas wajiyadoda sameeyay isbedal weyn ka dib markii lala tacaalay xaaladooda oo ay u muuqdaan kuwo aad uga wanaagsan sidii ay ahaayeen 2016-kii.