Wasiirka wasaaradda tamarta Monica Juma ayaa amar ku bixisay in dayactir lagu sameeyo ugu yaraan 10,000 oo ka mid ah haamaha korontada kuwaasoo aan hadda shaqeyn.
Waxay sheegtay in agabkan badankiisu la cillad bixin karo.
Monica Juma ayaa la filayaa in Isniinta soo socoto loo gudbiyo qorshaha lagu dayactiraya haamahan si loo dardargeliyo xiriirinta adeegga korontada ee dalka.
Waxay sidoo kale sheegtay in weli ay dacwado ku socdaan 59 ka mid ah saraakiisha waaxda soo iibinta qalabka ee shirkadda Kenya Power oo loo haysto inay sameyeen ku takriifal dhaqaale.