Agaasimaha waaxda dambi baarista dalka Mr. George Kinoti ayaa kenyaanka u xaqiijiyay in askari dhalasho ahaan ka soo jeeda Ingiriiska oo lagu eedeyay in sagaal sano ka hor uu dilay Agnes Wanjiru wadanka dib loogu soo celin doono si halkan loogu maxkamadeeyo.
Kinoti ayaa arrinkan shaaca ka qaaday ka dib markii uu ka soo hormuuqday guddiga gaashaandhigga ee baarlamaanka isagoo uu wehelinayo ku xigeenka taliyaha guud ee booliska Edward Mbugua.
Agaasimaha DCI-da ayaa xildhibaanada u sheegay inay horumar ka gaareen baaritaanada oo keliya ay sugayaan in khuburro ku takhasusay dilalka ay u safraan boqortooyada Ingiriiska si ay su’aalo u weydiiyaan marqaatida kiiskan.
Mr. Georhe Kinoti ayaa intaasi ku daray inay hayaan magacyada dhammaan askartii Britain ee ku sugnayd maqaaxidii uu dilku ka dhacay sanadkii 2012-kii.
Dhanka kale Mr. George Kinoti ayaa kulan la qaatay darawal lagu magacaabo John Muthoni oo dhawaan shirkadda 2NK Sacco ay shaqada ka ceryrisay.
Waxaa uu shaqadiisi ku waayay inuu baabuurka u kaxeeyay dhanka saldhigga booliska ka dib markii arday isugu jiray wiilal iyo gabdho oo uu siday ay isticmaaleen maandooriye.
Mr. Kinoti ayaa horay u casuumay wadaha ka dib markii baraha bulshada lagu faafiyay in shaqo joojin lagu sameeyay.
Shirkadda ayaa tallaabada ay qaaday u aaneysay inuu sumcad xumo ganacsi u soo jiiday maadaama ay soo baxeen warar sheegaya in ardayda ay baabuurka iska tureen.
Agaasimaha ayaa darawalka ku dhiirrigeliyay inuu sii wado u hoggaansanka waxa saxda ah iyo ilaalinta habdhaqanka wanaagsan xita hadii shaqadiisa ay halis galayso.
John Muthoni ayaa hadda ka mid ah shaqaalaha dowladda hoose ee ismaamulka Nyeri.