DHAGEYSO:12 Sano oo ka soo wareegtay qaraxii huteel Shaamow

0
316

Maanta oo kale 12 sano ka hor sanadkii 2009-kii ayaa waxay Al-shabaab weerar ku bilowday qarax la beegsatay xaflad ay ku qalin jabinayeen Ardaydii kulliyadda caafimaadka Jaamacadda Banaadir, waxaan halkaas ku dhintay in ka badan 30 qof oo isugu jiray qaar badan oo ka mid ah ardaydii qalin jabinaysay, waalidiintoodii kala soo qaybgalay farxada ubadkooda, wasiirro ka tirsanaa dowladii KMG Soomaaliya ee xilligaas,Xildhibaano, aqoonyahano,wariyeyaal iyo dadka kale oo goobta ku sugnaa.
Weerarkaas ayaa reebay xasuuso iyo mahadho aysan iloobin qalbiyo badan waxaana dadka laf-dhabarka bulshada ah ee maalinkii 3-dii Bishii 12-aad ee Sanadkii 2009-kii ku dhintay qarixii Huteel Shaamow ka mid ahaa wasiirkii caafimaadka dowladdii kMG Soomaaliya Qamar Aadan Cali, wasiirkii Waxbarasahda Maxamed C/laahi Waayeel, wasiirkii Hidaya iyo tacliinta Sare Ibraahim Xasan Cadow, wasiirkii dhallinyarada iyo cayaaraha Suleymaan Colaad Rooble iyo Prof. Maxamad Aadan Digtoor Rashiid oo ahaa guddoomiyihii mu’asasada Jaamacada Banaadir.
Senetar Cismaan Maxamuud Dufle oo xilliga uu qaruxu dhacayay khudbada jeedinayay ayaa 12 Sano ka dib ka warbixiyay sidii ay xilligaas xaaladdu mar kaliya isku beddeshay, dhibaatooyinkii Jaamacada soo wajahay iyo sida ay caqabadahaas uga soo gudbeen ayadoo dufcada caafimaadka ee 12 sano ka hor la qarixiyay ay ahayd tii labaad oo Jaamacadda ka baxda muddadaas ka ddibna ay Jaamacadda Banaadir soo saartay ilaa dhowr iyo toban ducfadood oo kale.

Qarixii hotel Shaamow ee magaalada Muqdisho caasimadda dalka Soomaaliya ka dhacay maalin Khamiis ahayd abaare 11-kii barqonimo 3-dii bishii 12-aad ee Sanadkii 2009-kii oo hadda ay 12 sano ka soo wareegtay ayaa ibo fur u noqday silsilad Qaraxyo ah oo mudadaas 12-ka sano ah ay Soomaaliya la daala dhacayso qaraxyadaas shaamow ka soo bilowdayna ayaana galaaftay nolosha kumaan qof oo Soomaaliyeed kuwaasoo wadankooda lagu dhibaateeyay walina aan xal loo helin soo afjaridooda.