Ra’iisulwasaarihii Hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho dib ugu laabto in ka badan 4 sano oo uu Soomaaliya ka maqnaa ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya marayso iyo waxyaabaha uu xalka u arko isagoo dhaliilay habraacyadii doorashada ee horay loogu heshiiyay.
Cumar C/rashiid Ra’isulwasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa sheegay in a Xaalada uu wadanka Soomaaliya hada ku sugan yahay ee sababtay in dhaleecayn loo jeediyo doorashada ay tahay mid ka dhalatay kadib markii Awoodii Gacanta loo Galiyay Maamulada iyo Dadka Doorashada ku Howlan taasoo uu sheegay inay siday doonayeen u jihiiyeen.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuuu muqdisho u tagay ka qaybgalka wadatashiyo wadanka xaaladiisa lagu hagayo gaar ahaan xiligaan kala shakiga doorashadu ay jirto.




