Gudiga xalinta Khilaafaadka doorashada Soomaaliya oo ka hadlay eedayn ay Musharaxiintu u jeediyeen

0
501

kadib markii Xubnaha Midowga Musharrixiinta Soomaaliya ay sheegeen in iyagoo hirgalinaya Heshiiskii 17 Septembar 2020. Habraacii 1-da October ee lagu unkay Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Dadban 2020/2021, Heshiskii 27 May 2021 iyo War-murtiyeedkii Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee soo baxay 21-22 bishii Agoosto 2021 uu la wadaagayo Wakiilada Dhaqanka (Nabadoonada Jufooyinka) iyo xubnaha Bulshada Rayidka ee xulaya Ergadda, Codbixiyayaasha iyo Musharixiinta Doorashooyinka Dadban 2020/2021 in shuruudaha soo-dacwoodaha, Mudada soo Gudbinta dacwooyinka, Xafiiska Dacwadaha lagu soo hagaajinayo, muddada baaritaanada, dhagaysiga iyo go’aan ka gaarista dacwooyinka ay ku cad yıhin Habraaca soo gudbinta Dacwooyinka Doorashadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11aad ee uu Guddiga shaaciyay 01/11/2021.
Qoraal Maanta kasoo baxay Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Dadban ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay inay xasuusinayaan soo dacwoodayaasha Doorashada muddada soo Gudbinta Dacwooyinka cabashooyinka la xiriira sax-sanaanta guddiga soo xulista ergada (odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka) lagu soo gudbinayo Saddex maalmood gudahood oo ka bilaabaneysa marka ay Guddiga Maamulaya Doorashada (SEIT) shaaciyaan magacyada Nabadoonada iyo xubnaha Bulashada rayidka kursi walba.
gudigu waxay kaloo sheegeen in Cabashooyinka la xiriira hab qaybsiga iyo kala shaandheynta ergooyinka lagu soo gudbinayo Saddex Cisho gudahood oo ka bilaabaneysa marka la shaaciyo liska ergada kursi
kasta dooranaysa.
Sidoo kale guddigu waxaay Xuseen in Cabashooyionka la xiriira diiwaangalinta musharixinta iyo ku dhawaaqida liiska musharixiinta la soo gudbinayo marka la shaaciyo liiska musharixiinta kursi kasta oo ah ka hor 48 saac xiliga doorashada kursigaas la qabanayo.
Marka la qabto doorashadana kursi kasta laga gudbin karo cabashooyinka la xiriira natiijada doorashada kursigaas 3-maalmood gudahood oo ka bilaabanaysa marka lagu dhawaaqo
natiijada horudhaca ah ee kursigaas.
Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Dadban Soomaaliya ayaa sheegay in aygoo tixgalinaya in muwaadiniintu ay xaq u
leeyihiin inay fikradahooda si xor ugu cabiri karaan warbaahinta noocyadeeda kala duwan, hadana Guddiga aysan u garawsanayn cabashooyinka warbaahinta oo kaliya la soo mariyo dacwo rasmi ah.
Guddiga xalinta khilaafaadka ayaa xaqiijiyay inay si
rasmi ah u soo gaartay labo dacwo oo Golaha Shacabka ah intii doorashada socotay, waxayna sheegeen in go’aankooda Guddigu u maray hanaanka dhaqanka iyo halbeegyada caalamiga ah ee doorashooyinka, uuna Guddiga ku booriyay soo-dacwoodayaasha Doorashada ee buuxiyay shuruudaha dacwo oogalaanshada inay dacwooyinkooda Doorashada ku hagaajiyaan Xafisyada uu guddigu ku leeyahay goobaha deegan doorshooyinka dalka muddada kor ku xusan.
Ugu dambeyn Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Dadban ee Soomaaliya ayaa ka codsaday Golaha Midowga Musharixiinta inay keenaan caddaymo muujnaya in Guddigu hor istaagay inuu qabto dacwado iyo go’aano u guddiga gaaray oo aan loo marin habraacii loo dajiyay, waxaana ay u balan qaadeen Golaha Midowga Musharxiinta iyo dhamaan daneeyayaasha doorashooyinka inuu si daahfurnaan leh u hor keeno dacwooyinkii uu qabtay iyo sidii uu ku
gaaray go’aanadii uu qaatay markasta oo loo bahdo.