Ciidamada Duufaan ee ka tirsan nabad sugida iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya NISA ayaa howlgal gaar ah oo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab waxay ka fuliyeen meelo Magaalada Muqdisho ka tirsan, waxayna sheegeen in lagu dilay Xubno Al-Shabaab ah.
Qoraal kooban oo hey’adda NISA ay ku baahisay barteeda Twitterka ayaa lagu shaaciyey in howlgalka uu bartilmaameedkiisu ahaa 15 dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab, balse ay Ciidamadu dileen 12 xubnood oo ka mid ah kuwaasoo ay NISA sheegtay inay khal-khal ku hayeen amniga magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Saraakiisha NISA ma shaacin degaanka rasmiga ah ee howlgalka laga fuliyay iyo Magacyada Xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ee ay sheegeen inay howlgalka ku dileen.
Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa Ciidamada hubeysan ee Duufaan ee NISA waxaay howlgallo ka dhan ahaa Al-Shabaab ka fulinayeen magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda, waxaana dhawaan howlgal laga fuliyay Xaafada Suuqa Xoolaha ee degmada Hiliwaa lagu qabtay keydkii hubka qaraxyada laga sameeyo ee ay lahaayeen Al-Shabaab.
Dhanka kale Dagaal muddo kooban socday ayaa ku dhexmaray galbeedka Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka hiiraan Ciidamada dowlad iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab,kadib markii Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhiga Ciidamada dowladda iyo kuwa AMIAOM ku leeyihiin halka loo yaqaano Bacaadada ee ee Xaafada howl-wadaag ee Magaalada Beledweyne.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in mid kamid ah madaafiicdii la is dhaafsanayay uu ku dhacay guri ay degan yihiin dad rayid ah, waxaana ku dhintay Saddex Carruur Walaalo ah halka laba kale ay ku dhaawacmeen sida ay warbaahinta Soomaaliya.
laamaha Amniga Magaalada Beledweyne ayaan weli ka hadlin weerarkaas, iyadoo xaaladda Magaalada saaka ay tahay mid degan.
Dagaalka xalay ka dhacay Magaalada Beledweyne ayaa waxaa ka horreyay howlgal ay shalay ciidamada isgarabsanaya ka sameeyeen deegaano ku yaaala galbeedka Beledweyne gaar ahaan deegaanka Luuq-jeelow oo Al-Shabab ay ku leeyahiin bar kontarool oo ay lacago kaga qaaddo gaadiidka soo gala magaalada Beledweyne.
Kullan looga hadlayay sidii dhaqan celin loogu sameyn lahaa dhallinyarada kasoo goosata kooxaha argagaxisada loogu yaaro ayaa lagu qabtay Janaale waxaana ka qayb galay saraakiisha ciidanka ku sugan deeganka Janaale iyo maamulka deegaankaasi Janaale waxayna sheegeen in dadka ka soo goosta AL-shabaab iyo kooxaha kalaba ay heli doonaan dhaqan celin u sahashay inay bulshada la jaan qaadaan.
Home Wararka Soomaaliya DHAGEYSO:Sirdoonka Soomaaliya oo sheegtay inay howlgal gaar ah ku dileen xubno shabaab...




