Dadaalo lagu xalinayo xiisada Boosaaso oo bilowday

0
307

Isimada dhaqanka Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa bilaabay dadaalo xal loogu raadinayo xiisadda ka dhalatay xilka qaadistii Madaxweynaha maamulka Puntland uu ku sameeyay Agaasimihii Ciidamada Hay’dda PSF Maxamuud Cismaan Diyaano ee ka taagan Magaaladaasi Boosaaso.
Odayaasha dhaqanka iyo Isimada dhex-dhexaadinta wada ayaa shirar kala duwan Boosaaso kula qaatay mas’uuliyiinta ka tirsan Xukumadda Puntland, o ay ka mid yihiin Wasiiro, Saraakiil Ciidan & Maamulka Gobolka Bari, iyagoo kala hadlay sidii xaaladda loo dejin lahaa, isla markaana xal looga gaari lahaa muranka ka dhashayy xilka qaadista Agaasimihii Hay’adda PSF-ta Puntland.
Wararka ayaa intaasi kudaraya in saacadaha soo socda Isimada ay la kulmi doonaan Saraakiisha Ciidamada PSF ee ku sugan Magaalada Boosaaso si ay uga codsadaan in lala qaato dhex-dhexaadinta ay bilaabeen si loo xalliyo muranka taagan.
Mas’uuliyiinta maamulka ayaa dhankooda soo dhoweeyay dadaalka odayaasha dhaqanka iyo Isimada ee ku aaddan xallinta is-marin-waaga ka dhashay xilka qaadistii Agaasimaha PSF.
Xaaladda Magaalada Boosaaso ayaa hadda ah mid degan, iyadoo Magaalada ay ku wada sugan yihiin Ciidamada PSF-ta oo aad u hubeysan iyo Ciidamada Daraawiishta maamul Gobeedka Puntland.