DHAGEYSO:Madaxweynaha Kenya oo ka hadlay khilaafka kala dhexeya ku xigeenkiisa

0
734

Hoggaamiyaha dalkani Kenya Mr. Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in isaga iyo ku xigeenkiisa William Ruto uu khilaaf soo kala dhex galay ka dib markii bishii saddexaad ee sanadkii 2018-kii uu la heshiiyay madaxa xisbiga ODM Raila Odinga.
Khilaafkan oo horay u soo shaac baxay ayaa sababay in xilal ay hayeen laga qaaday siyaasiyiin xulafo la ah Ruto.
William Ruto ayaa dhankiisa horay u sheegay in waxqabadkii dhanka horumarka ee maamulka Jubilee uu hakad ku yimid tan iyo heshiiskii Uhuru iyo Raila.
Hasa ahaate madaxweynaha ayaa carrabka ku dhuftay in go’aankii uu qaatay sanado ka hor uu wadanka xasilooni buuxda u horseeday in kastoo sida uu hadalka u dhigay ay jiraan shakhsiyaad kula colleytamay
Madaxweynaha ayaa intaasi ku daray in xasilooni darradii siyaasadeed ee jirtay ka dib doorashadii guud ee sanadkii 2017-kii ka hor inta uunan heshiis la gaarin Raila ay Kenya ku lumisay in ka badan hal tiriliyoon oo shilin.