Maxkamadda sare oo meesha ka saartay dacwad ka dhan ah IEBC

0
405

Maxkamadda sare ee dalka ayaa meesha ka saartay dacwad lagu doonayay in guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada dalka ee IEBC laga hor istaago inuu maamulo codeynta guud ee sanadka dambe.
Waxaa dacwaddan maxkamadda geeyay Samuel Elijah oo dalbaday in guddoomiyaha IEBC Wafula Chebukati loo diido maareynta doorashada.
Mr. Samuel ayaa cuskanaya khaladaadkii dhacay xilligii doorashadii guud ee sanadkii 2017-kii.
Hasa ahaate garsoore Hedwig On’gudi ayaa sheegtay in maxkamadda sare aynan awood dastuuri ah u lahayn inay IEBC ka hor istaagto gudashada waajibaadkeeda.