Madaxweynaha Kenya iyo ku xigeenkiisa oo ku kala aragti duwan sharci beddelka

0
434

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa William Ruto ayaa aragti kala duwan ka muujinaya baahida loo qabo in wax laga beddelo xeerarka wadanka lagu maamulo.
Mr. Kenyatta ayaa khudbadii uu dhawaan ka jeediyay xarunta baarlamaanka rajo wanaagsan kaga muujiyay in dib loo soo celin doono qorshihii sharci beddelka ee BBI oo ay maxkamadaha dalka meesha ka saareen.
Madaxweynaha ayaa xusay in go’aanadii garsoorayaasha ay kenyaanka ka hor istaageen fursado lagu xallin lahaa dhibaatooyin dhanka hoggaanka iyo qaybsashada dakhliga.
Hasa ahaate ku xigeenkiisa William Ruto oo maalinkii labaad ku sugan Machakos ayaa arrinkaasi gaashaanka u daruuray.
Waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in mudnaanta koowaad la siiyo dib u soo noleynta dhaqaalaha wadanka ee uu saameynta ba’an ku yeeshay cudurka COVID19.
Ruto ayaa xusay in aynan hadda jirin sabab keenaysa in la beddelo xeerarka wadanka balse ay habboon tahay in shaqo abuur loo sameeyo dhallinyarada.
Hoggaamiyaha labaad ee dalka ayaa sidoo kale rajo wanaagsan ka muujiyay in sanadka soo socdo uu ku guulaysan doono hoggaanka ugu sarreeya Kenya