DHAGEYSO:Shirkadda biyaha ee Garissa oo shacabka ugu baaqday inay qarashaadka bixiyaan

0
309

Shirkadda biyaha ee Garissa ee loo yaqaano GAWASCO ayaa macaamiisheeda ku wargelisay inay jiraan cillaado saameeyay bixinta adeegga biyaha ee qaar ka mid ah xaafadaha magaladaasi sidaas awgeedna ay codsanayso in loogu dulqaato culeyska haysta.
Sarkaalka shirkaddan u qaabilsan xiriirka bulshada Cumar Cabdullahi Nuur oo arrimahan faahfaahiyay ayaa dhanka kale bulshada ugu baaqay inay bixiyaan qarashaadka lagu yeesho ee isticmaalka biyaha haddii kale ciddii aan sidan sameyn maxkamadda lala tiigsan doono.