Maxkamada sare ee dalka ayaa diiday inay dhinac isaga dhigto ama ay dib u eegis ku samayso xukunka afarta bilood ah oo horay loogu xukumay agaasimaha waaxda danbi baarista dalka ee DCI-da George Kinoti.
Go’aan uu soo saaray isniinta maanta ah Garsoore Anthony Mrima ayuu ku sheegay inuu xukunkaasi sidiisa u sii jiri doono,garsooraha ayaaa sheegay in arinta hubka gacanta dowlada ku jira ay hayd mid horay xukun looga soo saaray loona baahnaa in xili hore loo hogaamsamo amarkii maxkamda.
Agaasimaha waaxda danbi baarista dalka George Kinoti ayaa horay u sheegay in Hubkaas uu ku jiro gacanta gudiga shati bixinta hubka garsooraha ayaana dhankiisa sheegay inaan marna maxkamada la hor keenin cadaymo muujinaya qaabka hubkaas gudiga loogu wareejiyay,garsooraha ayaana xusay in cadaymo la’aantaasi ay u xaqiijinayso in hubku wali ku jiro gacanta DCI-da.
Maxkamda ayaa horay u soo saartay amar dhigaya in agaasimaha DCI uu mudo afar Bilood ah ku soo qaato xabsiga weyn ee Kamiti Maximum prison maadaama lagu helay danbi ah inuu amar maxkamadeed dafiray.
Mr Kinoti ayaa lagu eedeeyay inuu ku guuldaraystay inuu dib ugu celiyo hub uu lahaa ganacsadaha lagu magacaabo Jimi Wanjigi maadaama ay sidaas maxkamadu amartay.
24 bishaan xeer ilaaliyaha guud ee qarana Kihara Kariuki ayaa codsi u gudbiyay maxkamda sare isagoo dalbanayay in xukunka xabsiga ah ee Mr Kinoti la hakiyo inta laga dhagaysanayo racfaanka uu gudbiyay oo go’aan laga soo saarayo.
Kinoti waxaa loo qabtay xiligaas mudo todobo cesho ah inuu xabsiga ku tago si uu u soo dhamaysto afarta bilood ee lagu xukumay waxaana hada aan markale guulaysan racfaankii uu qaatay xeer ilaaliyaha guud ee qaranka,xeer ilaaliyaha ayaana dhanka kale ku andacoonaya in eedaymaha loo jeediyay mr Kinoti ay yihiin kuwa si khaldan loo agaasimay maadaama gudiga qaran ee bixiya shatiyada hubka ay masuul ka yihiin wixii hub ah wuxuuna sidoo kale sheegay isagoo uu wakiil ka yahay qareenka lagu magacaabo Cecil Miller inuusan Kinoti wax door ah ku lahayn maaraynta hubka rayidka.
Axadii mr Kinoti ayaa sheegay inuu doorbidayo inuu xabsiga galo badalkii uu dib ugu soo celin lahaa hubkaas ganacsade Jimi Wanjigi xili su’aashaas la waydiiyay.
Kinoti oo sii hadlayay ayaa intaasi ku daray in xitaa hadii uu gacanta ku dhigi lahaa hubkaas uusan ku wareejiyeen Wanjigi sababtoo ah cida kali ah ee hubka loo ogolyahay waa ciimada gaarka ah ee amaanka qaranka ilaalinaya.
Sanadkii 2017-kii ayay ciidamada boolisku hubkaan ka soo qabteen guriga ganacsadaha oo ku yaala magaalada Malindi.
Sanadk 2019-kii garsoor Chacha Mwita ayaa go’aamiyay inay dowladu ku dhaqaaqday talaabo aan sharci ahayn maadaama ay la wareegtay hubka ganacsade Jimi Wanjigi oo xiligaas u sharciyaysnaan waxaana agaasimaha DCI-da horaantii sanadkaan la siiyay mudo 30 cishe ah oo uu hubkaan dib ugu celinayo ganacsadihii lahaa si la mid ah sanadkii 2019-kii.