Dabley aan la aqoonsan ayaa weerar ku qaaday iskuul ku yaalla magaalo ku taal gobolka Koonfur-galbeed ee ay rabshaduhu ka socdaan wadanka Cameroon, halkaasoo ay ku dileen ugu yaraan saddex arday iyo hal macallin ah , sida ay sheegtay koox u dooda xuquuqda aadanaha.
Xarunta Xuquuqul Insaanka iyo Dimuqraadiyadda Afrika ee CHRDA ayaa bayaan ay soo saartay maanta ku sheegtay in dhowr qof oo kale ay ku dhaawacmeen weerarka ka dhacay Ekondo Titi.
Waxa ayna sheegtay in ardayda la dilay ay da’doodu kala tahay 12, 16 iyo 17 jir, halka qofka afraadna uu ahaa macalin luuqadda Faransiiska ah barayay ardayda.