Ciidamada Puntland ayaa ka hor yimid go’aan uu madaxweynaha Puntland , Siciid Cabdullaahi Deni uu xilka ugu magacaabay agaasime cusub ee Ciidamada PSF Puntland, kaas oo hoggaamin doono ciidamada.
War qoraal ah oo ay sioo saareen ciidanka Puntland ayay ku sheegeen in go’aanka uu “baalmarsan yahay sharciyada, xeerka ciidannimada iyo dhaqanka suuban”
“Hoggaanka iyo ciidamada PSF waxay u heelan yihiin la dagaalanka argagixisada, amni darrada iyo guud ahaan wixii amniga Puntland iyo Soomaaliya ba wax u dhimaya” ayaa lagu yiri qoraalka.
Maxamed Amiin Cabddulahi Xaaji Khayr ayaa loo magacaabay agaasimaha cusub ee hay’adda PSF ee ciidanka Puntland, sida laga soo xigtay war saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada.