Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Fred Matiang’i ayaa isagoo matalaya madaxweynaha wadanka Uhuru Kenyatta sidoo kalena ay weheliyaan madaxa xisbiga ODM Raila Odinga ,senatarro , barasaabyo iyo saraakiisha sare ee dowladda waxaa uu daahfuray barnaamij geedo abuur ah.
Waxaa uu bartilmaameedsigu yahay in ilaa 2 milyan oo geedo ah lagu beero ismaamullada Makueni, Machakos iyo Kitui ee bariga dalka.
Wasiirka ayaa xusay in munaasabadda lagu qabtay xarunta tababarka arrimaha beeraha ee Kwa Kathoka oo ku taalla ismaamulka Makueni.
Matiang’i ayaa hoosta ka xarriiqay in barnaamijkan uu qayb ka yahay muujinta bilicda deegaanka iyo ballaarinta baaxadda dhirta ee wadanka.