Mahad Cabdalla Cawad ayaa mar kale loo doortay xubin ka tirsan Golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka ee Soomaaliya xilli Galmudug ay ka bilaabatay doorashada Aqalka Hoose.
Cawad ayaa wuxuu helay codad gaaraya 84 halka musharraxii kula tartameysay kursiga Hop#104, Shukri Cali Faarax aysan helin wax cod ah.
Sidoo kale waxaa Maanta dugsiga tababarka Ciidamada Booliska Soomaaliya Janeraal Kaahiye ee Magaalada Muqdisho lagu qabtay doorashada hal kursi oo kamid ah kuraasta golaha Shacabka ee Gobollada Waqooyi.
Kursigaan ayay sumadiisu tahay HOP272 waxaana ku tartamay Saddex Musharrax oo kala ahaa, Maxamuud Cabdiraxmaan Cumar, Khadra Axmad Ibraahim & Cabdiqani Maxamad Maxamuud, waxaa kursiga ku guuleystay Maxamuud Cabdiraxmaan Cumar oo helay 65 cod, halka labadii musharrax ee la tartamayay ay kala heleen Khadra Axmad Ibraahim 25 cod & C/qani Maxamad Maxamuud 7 cod, waxaana kursigaan horay ugu fadhiyay xildhibaan hore Guuleed Ceydaruus Cige.
Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan Cumar oo Maanta lagu doortay Magaalada Muqdisho kana mid noqday Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa waxaa uu kamid ahaa musharrixiintii ku guul dareystay doorashooyinka Golaha Wakiilada ee Somaliland dhawaan ka dhacday, isagoo u sharraxnaa Gobolka Maroodi jeex ee magaalada Hargaysa ka tirsan tahay.