Dowladda Australia ayaa lagu soo warramayaa inay dhaqdhaqaaqa Xizbullah ee dalka Lubnaan u aqoonsatay inuu yahay mid argagixiso.
Warbaahinta dowladda dalkaasi ee (ABC) ayaa sheegtay in tallaabadan ay tahay mid guud .
Australia ayaa sidoo kale liiska argagixisada ku dartay koox loo yaqaano The Base waxayna fal dambiyeed ku sheegtay in xubin laga noqdo.
Tallaabadan waxaa horay u qaaday Ingiriiska iyo Canada.
Kooxaha ay Australia u aqoonsan tahay argagixiso ayaa gaaraya ilaa 26 waxaana ka mid ah ISIS, Boko Xaraam iyo Abu Sayyaf.