Ra’iisul wasaraha wadanka India Narendra Modi, ayaa maanta ku dhawaaqay in dowladdiisu ay ka laabanayso sharciyo ay horay ugu soo rogtay beeralayda dalkaasi.
Khudbad qaran oo uu u jeedinayay shacabka dalkiisa waxaa uu ku xaqiijiyay Mr.Modi in guud ahaan uu baabi’iyay saddex sharci oo khilaaf wayn ka dhex dhaliyay xukumaddiisa iyo beeralayda wadankaasi.
Waxaa uu sheegay in sharciyadani ay ahayeen kuwo waxtar u leh beeralayda tabarta yar ee India balse ay adkaatay in la qanciyo.
Beeralayda India ayaa kasoo horjeesatay sharciyaddan oo ay ku tilmameen kuwa dhibaato ku ah wax soo saarkooda oo ay dowladdu u xaglinaysa dhanka shirkadaha waa wayn .
Waxay beerelaydu sheegen inay in hoos u dhac wayn uu soo wajahayo qiimaha qaar ka mid ah dalagyada ka soo go’a beeraha sida Qamadiga iyo Bariiska.
Sharciyadan ayaa dowladda awood u siinayay inay jaan goyso qiimaha qaar ka mid ah tabaca ka soo go’a beeraha wadankaasi.
Balse arrinkaasi waxaa ka hor yimid beeralayda India oo wakhtigaasi billaabay mudaahraadyo waa wayn oo ay dowladda uga dalbnayaan in ay ka laabato go’aankeeda
Iska hor imaadyo ku dhex maray mudaaharaadayaasha iyo ciidamadda booliska marar kala duwan caasimadda India ee New-delhi iyo gobalka Uttar Pradesh waxaa ku naf waayay dad gaaraya ilaa 9 qof halka boqolaal kale ay ku dhawacmeen.
Kulamo ay yesheen madaxda dowladda India iyo masuliyiinta ururka beeralayda dalkaasi oo la doonayay xal waara in looga gaaro arrinkani ayaa ku soo dhamaaday is fahan waa.
Ururrada ay ku midaysan yihiin beeralayda wadanka India ayaa si aad ah u soo dhaweeyay hadalka ra’iisul wasaare Narendra Modi.