Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo Garoowe ku wajahan

0
498

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamad Xuseen Rooble iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu wadaa inay Berri gaaraan Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal
Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha oo haatan ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ayaa la filayaa inuu Magaalada Garoowe uga qeyb galo kulamo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaare Rooble uu ka codsaday labada Madaxweyne ee maamul Goboleedyada Jubbaland iyo Puntland in aysan kala tegin si markii uu Garoowe tago uu kulan ula yeesho si wada jira.
Kulanka dhinacyadaan ayaa intiisa badan diiradda lagu saari doonaa arrimaha doorashooyinka Golaha Shacabka, sidoo kalena wararka ayaa sheegaya inay suuragal tahay in Madaxweynaayaasha Jubbaland & Puntland ay Ra’iisul Wasaaraha u gudbiyaan dalab ku aadan inay doonayaan in hal degaan laga dhigo doorashada Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.