Norway oo cambaareysay rabshadaha ka taagan Suudaan

0
366

Safiirka dowladda Norway ee dalka Suudaan Therese Loken Gheziel ayaa cambaareysay rabshadaha weli ka jiro wadankaasi ka dib afgembigii militari ee bishii hore.
Mrs. Loken ayaa sheegtay in aan loo dulqaadan karin qaabka awoodda ku saleysan ee ay ciidamada ammaanka uga falcelinayaan dibadbaxyada.
Danjiraha ayaa hoosta ka xarriiqday in aynan sax ahayn in awood loo adeegsado shacab dibadbaxaya oo aan hubeysnayn.
Sidoo kale waxay wax laga xumaado ku tilmaantay xayiraadda dhanka isgaarsiinta oo ay xustay inay caqabad ku noqon karto billowga wada hadallo nabadeed oo xaaladda lagu dejinayo.
Arbacadii ayay ahayd markii ugu yaraan 15 qof lagu dilay caasimadda Suudaan ee Khartoum.