DHAGEYSO:Dowladda oo aan xaqiijin in abaalmarin la siinayo shacabkii soo gudbiyay xogta maxaabiistii baxsaday

0
874

Dowladda dhexe ayaan weli caddeynin inay bixin doonto ballanqaadkii ahaa in abaalmarin lacageed oo dhan 60 milyan oo shilin la siin doono cidii soo gudbiso xog fududeyn karto in gacanta lagu soo dhigo shakhsiyaadkii dhawaan ka baxsaday xabsiga wayn ee Kamiti ee magaalada Nairobi, kuwaas oo shalay laga soo qabtay ismaamulka Kitui.
Tuhmanayaasha ayaa gacanta lagu dhigay xilli ay ku sugnaayeen meel kayn ah oo ku taalla dowlad deegaanka Kitui, ka dib markii laamaha ammaanka ay xog ka heleen dadwaynaha.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Dr. Fred Matiang’i oo galabta warbaahinta kula hadlay xabsiga Kamiti oo eedeysanayaasha dib loogu celiyay ayaa ka gaabsaday su’aaal la weydiiyay oo ku saabsaneyd in dowladda lacagtaasi ay siin doonto cidii soo sheegtay goobta ay ku sugnaayeen shakhsiyaadkan.
Wasiirka ayaa dhanka kale xusay in arrintaan si taxaddar leh uga shaqeeyn doonaan.
Saddexda nin ee xabsiga ka baxsaday Axadii ee maalmo ka dib la soo helay ayaa lagu wadaa in ay wajahaan dacwado cusub.
Waxay sidoo kale dacwado ku socdaan ilaa 16 sarkaal oo loo haysto inay gacan ka geysteen in shakhsiyaadkan ay xabsiga ka baxsadaan.
Waxaa saraakiisha ku jira guddoomiyihii guud ee waaxda asluubta dalka Wycliffe Ogallo oo dhawaan xilkan laga qaaday.
Shakhsiyaadkan ku eedeysan argagixisanimada ayaa lagu kala magacaabaa Musharaf Cabdalla oo la xiray 30-kii bishii sagalaad ee sanadkii 2012-kii ka dib markii lagu eedeyay inuu ka qayb qaatay iskuday la doonayay in lagu weeraro dhismaha baarlamaanka dalka isagoo sidoo kale lagu soo oogay dacwad ah inuu sitay hub iyo waxyaabaha qarxa.
Maxamad Cali Abikar ayaa isna la qabtay ka dib markii sida ay sheegeen laamaha ammaanka uu ka qayb qaatay weerarkii jaamacadda Garissa ee 2-dii bishii Afaraad ee sanadkii 2015-kii, isagoo ku xukunaa 41 sano oo xabsi ah.
Joseph Juma Odhiambo waxaa la xiray 20-kii bishii 11-aad ee sanadkii 2019-kii ka dib markii lagu eedeyay inuu isku dayay inuu iska diiwaangeliyo kooxda Al-Shabaab.
Mid ka mid ah shacabka ku nool ismaamulka Kitui oo hagayay ciidamadii saddexda qof soo qabtay ayaa warbaahinta la hadlay