5 ka mid ah ardayda dugsiga sare ee gabdhaha ee Itierio oo ku yaalla ismaamulka Kisii ayaa maxkamad la soo taagay ka dib markii lagu soo eedeyay inay isku dayeen inay dab qabadsiiyaan goob ay ardaydu seexdaan.
Waxay ka soo hormuuqdeen garsoore Paul Mutai oo ka howlgalo maxkamadda Kisii.
Warqadda dacwadda ayaa muujinaysa in 9-kii bishan abaare 4-tii aroornimo gabdhahan ay si wadajir ah isugu dayeen inay gubaan goobta jiifka ee loo yaqaano Elgon Dormitory.
Sidoo kale waxaa loo haystaa inay siteen gacma nadiifiyaha iyo agabka shidaalka isticmaala ee wax lagu gubo.
Dhammaan waxay isku fogeeyeen eedeymihii loo soo jeediyay waxaana mid kasta lagu siidaayay damiin lacageed oo dhan 20,000 oo shilin.
Dacwadda ay wajahayaan ayay maxkamaddu dhageysan doontaa 29-ka bishan 11-aad.