Wufuudda ka qayb galaysa shirka dowlad wadaajinta oo laga tallaalayo COVID19

0
562

Golaha barasaabyada ismaamullada dalka ee (CoG) ayaa billaabay olole tallaal bixin ah oo qaadanaya saddex cisho.
Waxaa ka faa’iidaysanaya 3,000 oo ah wufuud lagu wado inay ka qayb qaataan shirka sanadlaha ee arrimaha dowlad wadaajinta oo qabsoomi doono inta u dhexeysa 23-ka ilaa 26-ka bishan.
Kulanka oo ah midkii toddobaad ayaa lagu qabanayaa ismaamulka Makueni.
Tallaalka oo la billaabay maanta ayaa laga fulinayaa xafiisyada golaha CoG ee xaafadda Westlands, magaalada Nairobi.
Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xakameynayo faafitaanka cudurka COVID19
Guddiga qaban qaabada shirka dowlad wadaajinta ayaa sheegay inay khasab tahay in dhammaan dadka ka qayb galaya ay qaataan dawooyinka tallaalka.
Dhanka kale isdiiwaangelinta oo qaab online ah loo sameynayo ayaa ku eg 18-ka bishan November.
Sida laga soo xigtay guddigan , madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta oo kulanka si rasmi ah u furi doono 23-ka bishan ayaa daahfuri doono barnaamij lagu abuurayo 2 milyan oo geedo ah.