Anne Kananu oo loo dhaariyay barasaabka caasimadda dalka ee Nairobi

0
491

Ku simaha barasaabka ismaamulka Nairobi Anne Kananu Mwenda ayaa maanta loo dhaariyay xilka guddoomiyaha saddexaad ee caasimadda dalka, tan iyo markii sanadkii 2010-kii la soo saaray dastuurka hadda wadanka lagu maamulo.
Waxaa lagu dhex dhaariyay xarunta shirarka caalamiga ah ee KICC ee magaalada Nairobi.
Guddoomiyaha cusub ee Nairobi ayaa ku dhaaratay in ay si daacadnimo ay ku dheehan tahay iyo intii karaankeeda sidoo kalena waafaqsan xeerarka dalka ugu adeegi doonto dadweynaha ku nool magaala madaxda dalka ee Nairobi.

Mrs. Kananu ayaa ahayd ku simaha barasaabka dowlad deegaanka Nairobi tan iyo markii xilka laga qaaday guddoomiyihii hore Mike Sonko bishii 12-aad ee sanadkii hore.
Iyadoo uu dalka ka soo kabanaya saameynta uu cudurka Covid19 ayaa guddoomiyaha cusub ee Nairobi ballanqaaday inay billaabayso tallaabooyin lagu yareynayo saameynta uu ku yeelanayo dadka deggan ismaamulka Nairobi.
Waxaa ay sheegtay in guddoomiye ahaan iyo hooyo ahaan, ay dareemaysa dhibatooyinka ay wajahayaan shacabka caasimadda, islamrkaana inta ay xafiiska joogta ay diiradda saari doonto si dadweynaha caasimadda uga ilaalin lahayd saameynta cudurka
Waxay ballanqaaday in ay hormuud ka noqon doonto barnaamijyada lagu horumariyo caasimadda dalka ee Nairobi oo ay ka mid yihiin, shaqaaleysiinta 219 macallimin dheeraad ah si ay kaalin ugu qaatan horumarinta waxbarashada heerka hoose ee carrruta laga soo disayo ee loo yaqaano ECDE iyo bixinta caano lacag la’aan oo la siinayo ah dhammaan xarumaha ECDE-da ee 17-ka degmo ee uu ismaamulka Nairobi ka kooban yahay.
Guddoomiyaha cusub ee Nairobi ayaa sidoo kale ballanqaaday inay maamulkeeda u qodi doono ceelal badan, islamarkaan 10 haamaha biyaha ah ku rakibi doonto xaafad kasta oo ka tirsan caasimadda Nairobi.
Waxay xustay in ay saxiixday sharciga xadgudubka ku saleysan Jinsiga kaas oo doorkiisa guud uu yahay dardargelinta dadaallada ku aaddan ciribtirka dhammaan noocyada ku saabsan rabshadaha dhanka jinsiga ee loo yaqaano GBV.
Dhanka kale madaxa xisbiga ODM Raila Odinga ayay ku ammaantay kaalinta uu ka qaato in cid kasta laga qaybgeliyo arrimaha dhaqaalaha.
Anne Kananu Mwenda ayaa noqoneyso haweeneydii afaraaad ee guddoomiye ka noqoto mid ka mid ah ah ismaamullada dalka tani iyo markii wadanka laga dhaqangeliyay dowlad wadaajinta.
Dhaarinta Kananu ayaa ku soo beegmaysa ka dib markii maxkamadda sare dalka ay meesha ka saartay dacwad racfaan ah oo uu gudbiyay guddoomiyihii Nairobi Mike Sonko, islamarkaana uu kaga soo horjeeday in ku xigeenkiisi Anne Kananu loo dhaariyo xilka guddoomiyaha caasimadda dalka.
Maxkamadda sare ayaa diiday codsiga Sonko iyadoo u sababaysay inaysan awood u lahayn inay soo bandhigto dacwadda uu gudbiyay.
Bishii hore ayay ahayd markii maxkamadda racfaanka ay go’aamisay in Ann Kananu loo dhaariyo xilka guddoomiyaha Nairobi.
Magaalo madaxda dalka ee Nairobi ayaa guddoomiye la’aan ahayd tan iyo bishii 12-aad ee sanadkii hore markaas oo Sonko xilka laga xayuubiyay.
Sida sharcigu qabo, haddii booska barasaabka banaanaado ama xilka laga xayuubiyo, ku xigeenkiisa ayaa la wareegaya xilka guddoomiyaha inta ka hartay mudda xileedkiisa.
Bishii koowaad ee sanadkii hore ayay ahayd markii barasaabkii xilka laga qaaday ee Mike Sonko uu u magacaabay Anne Kanunu ku xigeenkiisa, balse turxaan bixinteeda waxaa dib u dhigay kiis maxkamadeed oo la gudbiyay.
Waxaa wakiillada golaha hoose ee ismaamulka Nairobi ay horraantii sanadkan turxaan bixiyeen Anne Kananu oo loo soo magacaabay ku xigeenka guddoomiyaha caasimadda dalka, waxayna ansaxiyeen inay xilkan buuxiso.