Qaraxyo mataano ah oo ka dhacay caasimadda Kampala

0
427

Waxaa lagu soo warramayaa in magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda ay ka dhaceen qaraxyo mataano ah.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dhowr qof ay ku dhaawacmeen weerarradaasi, sida ay saaka sheegtay warbaahinta gudaha ee dalkaasi.
Mid ka mid ah qaraxyada ayaa ka dhacay meel ku dhow xarunta baarlamaanka ee caasimadda Kampala, halka midka kalena uu ka dhacay daaraha Kooki, oo ka soo horjeeda saldhigga dhexe ee booliska ee magaaaldaasi.
Ma jirto ilaa iyo hadda cid sheegatay mas’uuliyadda weeraradaasi.
Gaadiidka gurmadka degdegh ah ee loo yaqaano Ambalaas ayaa goobta gaaray, iyagoo halkaasi ka qaaday dadkii waxyeelladu soo gaartay.
Booliska ayaa xiray goobta uu qarax ka dhacay, iyadoo khubarada bambaanooyinka ay aagaasi baaritaanno ka wadaan.
Waddada aadda xarunta baarlamaanka ee dalka Uganda ee magaalada Kampala ayaa waxaa ku yaalla xafiisyo badan oo dowladda ah, oo ay ku jiraan wasaaradaha cadaaladda, ICT-da iyo waxbarashada.
Waxaa sidoo kale halkaasi ku yaalla bangiyo dhowr ah.