26 Kenyaan ah oo laga soo saaraya gudaha Ukraine

0
375

Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka ayaa sheegtay in la guda galay dadaal lagu soo samata bixinayo 26 qof oo Kenyaan ah kuwaasoo ku xayiran gudaha Ukraine.
Wasaaradda ayaa hoosta ka xarriiqday in dadkan oo arday u badan ay ku sugan yihiin magaalada Sumy.
Tani ayay wasaaraddu kaga jawaabaysay su’aal ah tallaabada ay ilaa iyo hadda qaaday si ay u soo daadgureyso 26 qof oo codsaday in halkaasi laga soo saaro.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya ayaa horay u soo daadgureysay 87 ka mid ah muwaadiniinteeda ku noolaa Ukraine.
Bayaan ay soo saartay koowdii bishan ayay sidoo kale ku xustay in hal arday oo isagu doorbiday uu dib ugu soo laabtay wadanka.