Waxaa la filayaa in Isniinta soo socoto ee 15-ka bishan uu Kenya imaado xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony J. Blinken
Waxaa uu kulan la qaadan doonaa madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta iyo wasiiradda arrimaha dibadda Raychelle Omamo.
Kulanka ayaa la rajeynayaa inuu xoojiyo iskaashiga istaraatiijiga ee ka dhexeya labada dal.
Arrimaha ay dhinacyadan ka wada hadli doonaan waxaa ka mid ah amniga, ilaalinta deegaanka , soo afjaridda cudurka COVID-19, sare u qaadidda helitaanka tamar nadiif ah iyo taageerada Maraykanka uu Kenya ka siin karo in doorashada guud ee sanadka 2022-ka ay noqoto mid nabad ah.