Ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto ayaa maalinkii labaad jooga ismaamulka Kisumu .
Tani ayaa qayb ka ah socdaal saddex cisho qaadanaya oo shalay uga billowday gobolka Nyanza.
Waxaa uu qorshuhu yahay inuu u sii gudbo ismaamulka Migori ka hor inta uunan berri tagin dowlad deegaanka Homa Bay.
Ku xigeenka madaxweynaha dalka oo isku soo baxyo kala duwan ku qabtay dowlad deegaanka Kisumu ayaa shacabka ku boorriyay inay hoggaamiyaasha siyaasadeed ku doortaan kartidooda.
Waxaa uu ka digay taageero siyaasadeed oo ku saleysan qabiil.
William Ruto ayaa hoosta ka xarriiqay in aan loo baahneyn isbeddel lagu sameeyo dastuurka wadanka u degsan isagoo xusay in hadii sanadka 2022-ka loo doorto madaxweynaha dalka uu diiradda koowaad siin doono xallinta shaqa la’aanta dhallinyarada.