Booliska oo maanta sunta dadka ka ilimeysiisa ku kala eryay dhallinyaro dhagxaan ku tuurtay Ruto ee Kisumu

0
510

Saraakiisha booliska ayaa maanta sunta dadka ka ilimeysiisa ku kala eryeen dhallinyaro lagu tilmaamay qaswadayaal oo doonayay inay carqaladeeyaan ololaha Ruto ee xaafadda Kondole ee magaaalda Kisumu.
Waxaa la arkayay dadka deegaanka oo dhagaxaan ku tuuraya kolonyo baabuur ah oo uu la socday madaxweyne ku xigeenka dalka oo doonayay in dadweynaha uu la wadaago qorshihiisa ku saleysan in kobcinta dhaqaalaha wadanka meel hoose laga soo billaabo iyadoo la taageerayo danyarta iyo ganacsatada yaryar.
Madaxweye ku xigeenka dalka William Ruto ayaa sheegay in qof walba uu xor u yahay inuu booqdo meel kasta oo dalka ka mid ah.
Waxaa uu sheegay in dhallinyarta dhagxaanta kusoo tuurtay kolonyadii uu la socday ay mas’uuliyiin soo kireystaan.
Waxaa toddobaadyadii ugu dambeeyay gudaha wadanka laga dareemayay isku dulqaad la’aan siyaasadeed.
Dr. Ruto ayaa maanta oo Arbaca ah la filayaa in uu soo gabagabeeyo socdaalkiisa ismaamulka Kisumu ka hor inta uusan u ambabixin dowlad deegaanka Migori.