Madaxweynaha dalka Soomaaliya Maxamad Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in uu u amba-baxo Magaalada Kampala ee caasimadda wadanka Uganda.
Mr. Farmaajo ayaa ka qayb gali doona shir xasaasi ah oo ay isugu imaan doonaan madaxda Waddamada ku bahoobay Urur-Goboleedka IGAD.
Waxaa uu shirkaasi uu ka dhici doona Magaalada Kampaala ee xarunta dalka Uganda.]
Shirka ayaa waxaa diiradda lagu saari doonaa arrimaha waddamada Suudan iyo Itoobiya, iyadoo si gaar ah kulanka xoogga loogu saari doono dagaalka ka socda wadanka Itoobiya.
Waxaa uuna shirka furmi doono 15-ka bishan.
Qoraal kooban oo uu bartiisa xiriirka bulshada soo dhigay Wasiirka wasaaradda arrimaha dibedda iyo xiriirka caalamiga Soomaaliya , Maxamad Cabdirizaaq Maxamuud ayuu ku sheegay in 15-ka bishan uu magaalada Kampala ka dhici doono shir ay isugu imanayaan madaxda Urur goboleedka IGAD, kulankaas oo looga hadli doono arrimaha ka taagan waddamada Itoobiya iyo Suudaan ayuu sheegay inuu ka qayb geli doono madaxweynaha Soomaaliya, Maxamad Cabdullaahi Farmaajo.
Shirkan oo muhiim ah ayuu sheegay Wasiirku in lagu gorfeyn doono xaaladaha ka taagan dalal ka mid ah Bariga Afrika, ayna muhiim tahay in laga yeesho siyaasad isku mid ah.