Agaasimaha waaxda dacwad soo oogidda dalka Nuurdiin Maxamad Yuusuf Xaaji ayaa hadda doonaya in dhammaan waaxyaha kala duwan ee cadaaladda iyo dacwad soo oogidda inay ku ekaadaan shaqadooda dastuuriga ah oo ay xoogga saaraan sidii ay u wanaajin lahaayeen waajibaadkooda.
Waxaa uu xusay in ay jireen dadaallo lagu wiiqayo howlaha waaxda dacwadda soo oogidda ee dalka oo ay wadaan hay’ado doonaya in ay farageliyaan shaqooyinka waaxda dacwad soo oogidda.
Waxaa uu ka digay in hay’adaha faragelin ku hayo waaxyaha kale ay adkaan doonto in ay waajibaadkooda gutaan.
Waxaa uu intaa ku daray in hay’ad kasto oo cadaalad ah aysan awood u lahayn inay door ku yeelato dacwad kasto.
Waxaa uu wax laga xumaado ku tilmaamay isku day lagu doonayay in awoodaha qaar ee waaxda dacwad soo oogidda dalka loo wareejiyo dhiggeeda dambi baarista ee DCI-da.
Tani ayaa kusoo aadeyso iyadoo maxkamadda sare ee dalka ay soo saartay amar guddiga adeegga dadweynaha ee PSC looga hor istaagayo inuu tixgeliyo labo dacwadood oo loo gudbiyay kuwaasoo lagu dalbanaya inuu xafiiska baneeyo agaasimaha waaxda dacwad soo oogidda dalka Nuurdiin Maxamad Yuusuf Xaaji.
Waxaa amarkan ku dhawaaqay garsoore James Makau oo ka falcelinayay dacwad ay gudbiyeen qoyska Tob Cohen iyo ganacsade lagu magacaabo Francis Njeru.
Go’aanka maxkamadda ayaa ah mid ku meel gaar ah waxaa uuna sidoo kale guddiga PSC ka mamnuucayaa inuu qaado tallaabooyin dheeraad oo ka dhan ah Nuurdiin Xaaji ilaa iyo inta laga soo gabagabeynaya dhageysiga dacwad uu arrimahan kaga soo horjeedo agaasimaha waaxda dacwad oogidda dalka.
Nuurdiin Xaaji ayaa dhankiisa sheegay in dacwadaha laga gudbiyay ay yihiin kuwo lagu doonayo in lagu cadaadiyo inuu dacwad ku soo oogo garsoore Kantai oo lala xiriiriyay dilkii Tob Cohen in kastoo uunan arrinkaasi u helin caddeymo wax ku ool ah.
Home Wararka Kenya Nuurdiin Xaaji oo hay’adaha dowaladda ugu baaqay inay waajibaadkooda dastuuriga ah gutaan