DHAGEYSO:MD Farmaajo oo madaxtooyada ku qaabilay guddigii Soomaaliya ee kiiska badda

0
530

Waxaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya, Wafdigii dowladda Federaalka Soomaaliya ugu qayb galay go’aankii Maxkamada Cadaalada Aduunka ee ICJ oo uu Hoggaaminayay Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka wadankaasi Mahdi Maxamad Guuleed Khadar.
Soo dhaweeynta Wafdigan ayaa waxaa ka qayb galay Mas’uuliyiin ay ka mid ahayeen Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Guddoomiyaha gobalka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, xubno kamid ah labada gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya.
Goobtii lagu soo dhaweynayay wafdigii ka qeyb galay dacwadda badda waxaa hadal ka jeediyay Guddoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) isagoona ammaan u soo jeediyay guddigaas.

Ra’iisul wasaare kuxigeenka dalka Soomaaliya Mahdi Maxamad Guuleed Khadar ayaa u mahadceliyay dhammaan umadda soomaaliyeed.

Dhanka kale Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Madaxtooyada ku qaabilay Guddiga Soomaaliya ee Kiiska dacwadda Badda ayaa bogaadin u soo jeediyay sida uu ka warbixinayo afhayeenka madaxtooyada Cabdirashiid Xaashi