Ismaamulka Kirinyaga oo 125.6 milyan oo shilin arday kaga bixiyay waxbarasho

0
396

Guddoomiyaha ismaamulka Kirinyaga ee gobolka bartamaha dalka Anne Waiguru ayaa daahfurtay barnaamij dhaqaale gaaraya 125.6 milyan oo shilin qarashaadka tacliinta looga bixiyay arday ka soo jeedo qoysas danyar ah.
Ardaydan ayaa dhigta dugsiyada sare ,machadyada iyo jaamacadaha.
Xilli ay hadal ka jeedisay degmada Mwea ayay Waiguru sheegtay in deeqdan ay ka faa’iidaysanayaan 42,527 oo arday ah.
Waxay carrabka ku dhufatay in ardaydan la soo xulay ka dib geeddisocod turxaan bixin ah oo ay sameyeen guddiyada deegaanada hoose.
32,397 oo tiradan ka mid ah ayaa wax ka barta dugsiyada sare , jaamacadaha waxaa dhigta 5,388 halka 4,742 ay ka mid yihiin ardayda machadyada farsamada.
Anne Waiguru ayaa dhanka kale dadweynaha ku nool ismaamulka Kirinyaga ku boorrisay inay nabadda ku dadalaan xilliga halkaasi lagu qabanaya maalinta qaran ee halyeeyada ee Mashujaa Day oo loo dabaal degi doono 20-ka bishan.
Xuska ugu wayn ee maalintan ayaa lagu qaban doonaa fagaaraha Wang’uru ee degmada Mwea.
Sidoo kale waxay sheegtay in ilaa iyo hadda ay doorashada guud ee sanadka 2022-ka isku diiwaangeliyeen qiyaastii 2000 oo qof iyadoo ku baaqday in laga faa’iidaysto fursadda diiwaangelinta codbixiyayaasha oo ku eg 2-da bisha 11-aad ee sanadkan si uu sheegay guddiga IEBC