Eedaysanaha ugu muhiimsan ee looga shakisan yahay dilka gabadh orodyahaanad Kenyaan ah oo lagu magacaabi jiray Agnes Jebet Tirop ayaa lagu soo warramayaa in xabsiga la dhigay.
Sida uu xalay xaqiijiyay agaasimaha waaxda baarista dambiyada dalka ee DCI-da ,eedaysanahaan oo lagu magacaabo Ibraahim Rotich ayuu xiriir kala dhexeeyay gabadha la dilay.
Waxaa tuhmanaha gacanta ku dhigay dambi baarayaasha isagoo ku sugan deegaan baarlamaneedka Changamwe ee ismaamulka Mombasa maadaama ay baadigoobayeen muddooyinkii dambe.
Sida laga soo xigtay ciidamada booliska, Rotich oo baxsad ahaa tan iyo markii inantaas la dilay ayaa la qabtay isagoo isku dayayay inuu wadanka ka baxsado oo uu galo mid ka mid ah dalalka Kenya dariska la ah.
Taliyaha booliska ee deegaanka Changamwe David Mathiu ayaa warbaahinta faahfaahin ka siiyay qabashada eedeysanaha
Tina Tirop oo ah hooyada gabadha la dilay ayaa dareenkeeda muujisay
Eedaysanaha ayay hadda saraakiisha dambi baarista su’aalo ku waydiinayaan xabsiga ciidanka booliska ee Changamwe si loo helo faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan dilka gabadhaan ka hor inta aan maxkamadda la horgayn si uu u wajaho eedaymaha loo haysto ee dilka ah.
Meydka gabadha orodyahaanada ahayd oo ka qayb gashay orodka 5,000 ee mitir ee haweenka intii lagu guda jiray ciyaarihii Olombikada dalka Japan ayaa Arbacadii laga helay gurigeeda oo ku yaalla magaalada Iten ee dowlad deegaanka Elgeyo Marakwet.
Gabadhaan ayaa labo mar ku guulaysatay bilado ka dib markii ay tartamo orod ah ka qayb gashay.