Nuurdiin Xaaji oo sheegay inaysan jirin cid lagu soo oogay dacwad ka dhan ah musuqmaasuq ee KEMSA

0
628

Agaasimaha waaxda dacwad soo oogidda dalka Nuurdiin Xaaji ayaa sheegay in aysan jirin cid lagu soo oogay fadeexadda musuqmaasuqa ee maamulka qaabilsan soo ibinta iyo qaybinta agabka caafimaadka ee KEMSA mar haddii faylka baarista uusan diyaar ahayn.
Waxaa uu sheeegay in faylka loo gudbiyay guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee EACC oo uu sheegay inay hayaan shaqo wanaagsan oo ay ku baarayaan arrinta musuqmaasuqa ah.
“Hadii la iikeeno fayl dacwadeed oo caddeyn la ahayn lacagna la iigu siiyo, waxaan ka doorbidayaa inaan shaqadeyda iska casilo”
Waxaa uu intaa ku daray “Waa inaan haystaa fayl caddayn wato si aan awood ugu yeesho inaan dacwad ku soo oogo dambiilayaasha iyo shakhsiyaadka ku lugta leh musuqmaasuqa ee maamulka KEMSA”ayuu yiri Nuurdiin Xaaji
Dhawaan ayay ahayd markii Waaxda dacwad soo oogidda dalka ee uu hoggaamiyo Nuurdiin Xaaji ayaa mid aan sax ahayn ku tilmaantay warbixin dhawaan laga siidaayay telefishinka maxalliga ee Citizen oo ka mid ah warbaahinta sida gaarka ah loo leeyahay.
Waxaa ay warbixintu tilmaantay in baaritaanadii ku aadanaa fadeexadii laga soo tabiyay maamulka qaabilsan soo ibinta iyo qaybinta agabka caafimaadka ee KEMSA uu hakad ku yimid.
Hasa ahaate agaasime ku xigeenka waaxda dacwad oogidda wadanka Emily Kamau ayaa bayaan ku sheegtay in sida loo warramay aynan xaqiiqda ku saleysnayn.
Bayaanka waxaa ku cad in waaxda dacwad oogidda iyo guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ay si dhow uga wada shaqeynayeen oo ayna dadaal badan geliyeen sidii baaritaanadan muhiimka ah lagu soo gabagabeyn lahaa.