Hoggaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga ayaa dabayaaqada bishan ku dhawaaqi doona go’aankiisa ku aaddan haddii uu isu soo sharraxayo xilka madaxweynenimo.
Mr. Odinga ayaa caddeeyay in go’aankiisa ku aaddan jagada madaxweyninimo lagu go’aamin doono natiijada kasoo bixi doonto tirada dadka cusub ee haatan qaadanaya kaarka codeynta.
Waxaa uu dhanka kale ka dayriyay tirada yar ee u soo baaxday inay qaataan kaarka codeynta ee ismaamullada uu taageerrada badan ku haysto gaar ahaan gobollada Nyanza iyo galbeedka dalka.
Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa xusay in is diiwaangelinta oo aad u yar ay ka dhigi karto inuu ka haro tartanka uu isugu soo sharraxayo hoggaanka ugu sarreeya dalka.
Madaxa xisbiga ODM ayaa hadalkan ka jeediyay ismaamulka Vihiga ee galbeedka dalka, si uu bulshada dowlad deegaankaasi ugu baraarujiyo inay qaataan kaarka codbixinta.
Home Wararka Kenya Raila Odinga:Waxaan ku dhawaaqi doonaa musharraxnimadayda ka dib qaadashada kaarka codeynta




