Golaha qaran ee xeer dejinta ayaa ugu baaqay qaybaha kala duwan ee bulshada inay soo gudbiyaan aragtidooda ku aaddan laba saraakiil oo uu madadxweynaha dalka Uhuru Kenyatta u magacaabay inay ka mid noqdaan guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC.
Guddiga golaha baarlamaanka u qaabilsan caddaaladda iyo arrimaha sharciga ayaa lagu wadaa in 19-ka bishaan turxaan bixiyaan labadaan mas’uul.
Xildhibaannada goalaha qaran ee xeer dejinta ayaa haysta 21 cisho si ay u turxaan bixiyaan 2 mas’uul oo uu madaxweynaha u magacaabay jago ka bannaaneyd guddiga EACC , ka hor inta aysan bisha soo socota si rasmi ah shaqadaan ula wareegeen.
Madaxweynadha dalka Uhuru Kenyatta ayaa u magacaabay Korneyl Alfred Mutweta Mshimba iyo Monica Wanjiru Muiru inay beddelaan Dr. Dabar Cabdi Macallin iyo Mrs. Rose Mghoi Macharia oo ka mid ahaa saraakiisha sar sare ee guddiga EACC oo is casilay horraantii bishii hore.
Dr. Dabar iyo Mrs. Rose Mghoi ayaa ku biiray EACC sanadkii 2015-kii waxayna codsadeen inay xafiiska banneyaan ka hor inta uunan dhammaan muddo xileedkooda.
Xeerka lagu maamulo guddiga EACC ayaa dhigaya in guddoomiyaha iyo saraakiisha sar sare ee la soo magacaabo ay xilalka haynayaan hal xilli oo 6 sano ah oo aan mar kale la soo magacaabi karin.