Guddiga sare ee Ingiriiska ayaa gelinkii dambe ee shalay ku dhawaaqay in kenyaanka qaatay tallaalka ka dhanka cudurka Covid19 islamarkaana doonaya inay u safraan boqortooyada Ingiriiska looga baahan doonin inay is karantiilaan.
Waxaa sidoo kale meesha laga saaray in ay wataan shahaado muujineysa in cudurka ay iska soo baareen ka hor inta aysan soo safrin.
Wakiilka sare ee Kenya u fadhiya boqortooyada UK Manoah Esipisu ayaa sheegay in tallaabadan ay fududeyso isku socodka dadweynaha, inay sare u qaado dalxiiska iyo ganacsiga ee waddamadan.
Waxaa uu sheegay in laga bilaabo maalinka Isniinta ee toddobaadka dambe kenyaanka si buuxda loogu tallaalay cudurka Covi19 ay u safri karaan boqortooyada Ingiriiska iyaga oo aan la karantiili doonin.
Bartamihii bishii hore ayay ahayd markii Kenya ay ka mid noqoto toddobo waddan oo ay dowaladda UK ay ka saartay khadka cas ka dib muddo lix bilood ay xayiraad dhanka socdaalka ay saartay dalalkan.