Madaxda Maraykanka iyo Shiinaha oo ka wada hadlay arrimaha Taiwan

0
423

Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ayaa dhigiisa Shiinaha Xi Jinping kala hadlay arrimaha ka taagan jasiiradda Taiwan.
Taiwan ayaa isku aqoonsan jasiirad madax bannaan in kastoo dowladda Shiinaha ay sheegato inay dhulkeeda ka mid tahay.
Labada mas’uul ayaa diiradda saaray muhiimadda ay leedahay in laga hor tago wax kasta oo khilaaf dheeraad ah horseedi karo.
Tani ayaa timid ka dib markii Shiinaha uu diyaarado dhowr oo kuwa militariga ah geeyay gudaha Taiwan iyadoo mas’uuliyiinta dalkaasi ay sheegeen in xiriirka labada dhinac uu heerkii ugu xumaa maraya muddo 40 sano ah.